Saturday 18 October 2014

Iskaatashooyinkii Dumarka

Sidaad horeba ula socoteen waxay hayadan RWC ka abuurtey degmada Raaso saddex iskaashato oo iyagu kala ah iskaashatada khayraaska dabiiciga, khudrada iyo tan raashinka tafaariiqda.

Saddexdan iskaashato waxay si toosa u bilaabeen shaqadooda iyagoo la kaashanaya xafiiska iskaashatooyinka ee degmada, kaas oo ka caawinaya sharciyada una sharxaya xeer hoosaadyada iyo nidaamka laga rajeynayo in ay isku maamulaan iskashatooyinkaasi; islamarkaana ufududeynaya dhaqdhaqaaqooda baayacmushtar ee deegaanka iyo kuwa la dariska ahba.

Sida RWC ay ku wado qorshaha dhow iyo midka fogba waxay ahmiyadeedu tahay kor uqaadida iyo kobcinta dhaqaalaha haweenkaa, taas oo ah mida kaliya ee fiqriga iyo gaajada lagalaga bixi karo isla markaana kor uqaadaya nolosha bulshada guud ahaan gaar ahaan tan caruurta.

Inkasta oo tirade dhabta ah ee caruuta kunool magaalada aan la haynin wakhtigan aan joogno, laakiin tirada caruurta ku nool magaaladu aad buu usareeyaa iyagoo in badani ay yihiin agoon kadib markey aabayaashood ku dhibteen is afgaranwaa dhexmarey beeshan iyo beelaha ladariska ah ba. Waxaa iyaduguna jira caruuro aabayaashood ka tageen magaalada kadib markey ku adkaatey iney shaqo ka helaan.

Taasina waxay badisay tirade haweenka ee iyagu masuul ka ah qoysaska.

Sawirkan waxaa laqaadey mid kamid ah kulamadii haweenka ay la yeelatey RWC.

No comments:

Post a Comment