Monday 19 January 2015

Potable Water




Clean water is the most important thing in our live yet our people miss that. Women, children and elderly people are among the most vulnerable in Raaso community.

Despite, two wells were dug in recently; the city did not get opportunity to overcome the difficulty of getting clean water. Both wells were announced that they are not suitable to drink. One of them people use other purpose such building the houses, whereas the other was completely sealed.

That makes the only option is using Haqiq Valley water, the water are not clean because the wells are open to everything.


 
When it is ‘Gu’ season they dig holes which they call ‘laaso’ in the middle of the valley and that is how they obtain their drinking water.  Sometimes you see both animal and people using same water point.                                   




Thursday 15 January 2015

Biyaha ku haboon cabitaanka (Potable Water)


Magaaladu waxay in muda ah ka cabeysey ceelal gaagaaban oo laga qodey toga Xaqiid. Ceelashaa sida aad lasocotaan waxay qodan yihiin mudo iminka lagu qiyaasey ilaa saddex iyo tobansano intooda badani wey aas meen. Ceelashan la aan tood aad ayey u adkaan lahayd nolosha magaaldu.

Ceelashan oo dherarkoodu gaaban yihiin ayaa  noqdey kuwa aan dabooli karin baahida magaalada sababo badan awgood sida:-

1. Tirada dadka kunool magaalada oo aad u Badan.

2. Nadaafada biyaha oo aad u hooseeya sida iyagoo ku dhex yaala toga dhexdiisa  islamatkaana af banana ayaa waxaa sahlan in haduu togu buuxsamo ay wax badani galaan. Sidoo kale dadka inta badan ka dhaamiya oo iyagu u badan caruur oo si fudud wax ugu gura iyo iyaga laftooda oo halis u ah iney kudhacaan.

Sikata ha ahaatee dadku wey jecel yihiin iney kacabaan ceelashaa waayo biya oo ay aaminsan yihiin iney macaan yihiin, xataa hadey u daran yihiin caafimaadkooda.

Muda laga joogo Afarsano ayaa waxaa magaalada laga qodey ceel ay qodeen qolyaha qaabilsan horumarinta jidadka, lama garanayo inceelkani uu kamid yahay waxyaabaha la socda horumarkaa, sababtoo ah wadadani ma ah wado loo qorsheeyey Raaso ee waa wado qorshaheedu uu ku saleysan yahay in la sameeyo wado ka timaada Addis Ababa ilaa Godey; taas oo magaalagu nasiin u yeelatey iney dhexmarto.

Ceelkani magaalada wuxuu ka fududeeyey biyo la aantii, ma aha biyo wasaq ah sida kuwa xaqiiq laakiin dhibkoodu wuxuu noqdey ineyna ku habooneyn in dadku cabaan. Magaaladu waxay u istic maashaa iney waxku dhisato ama ay ku qabsadaan hawlo kale.

Kadib markey magaalada loomagacaabey degmo buuxda ayaa waxaa iyaguna yimid waaxdahorumarinta biyaha ee Deegaanka Soomaalida si ay wax uga qabtaan biyo la'aanta magaalada waxay qodeen ceel, ceelkii wuxuu noqdey mid sidey sheegeen khabiiradaasi aan ku habooneyn in la cabo, kadibna waa ningaey ceelkaa  looma ogolaan in shacabku uu u isticmaalo.

Sidaa daraaadeed magaaldu waxay haysataa ceelasha wasaqda ah ee xaqiiq iyo ceelkan oo isga aan lacabin waxna lagu karsan.  in kasta oo ay jira rajo in lasameeyo mashruucwey oo kusaabsan biyaha, lama hubo waqtiga uu mashruucaasi iman. Haddaba inta ka horeysa waqtigaa waxaad moodaa iney banana kaalin loo baahan yahay in la buuxiyo, taas oodmoodid iney ubaahan tahay iney buuxiyaan beeshu.

Thursday 8 January 2015

Mahadcelin

Waxaan halkan uga mahadcelineynaa bahda warbaahinta oo iygu hadh iyo habeen utaagan taageerada horumarka Raaso. Bahdu waxay dhiirigalin boorin lagarab taagan tahay RWC. Mudadii ay jirtey RWC waa markii uGu horeysay oo ay hesho taageero iyo dhiiri galin. Bahdu waxay u magacaabeen gudoomiyaha RWC inuu noqdey shaqsiga ku guuleystey shahaado sharafta wax qabadka. Waxaan qabnaa haday RWC hesho dad ka tirsan beesha oo garab istaaga dhaqaale iyo dhiiri galinba iney wax badan ka dali horumarka Raaso.

Waxaan qabnaa in ay jiraan shakhsiyaad ay run ka qaybqaadasha  horumarka degmada Raaso. Fadlan nalasoo xidhiidh email kayaguna waa raasowomen01@gmail.com diyaar baan u nahay wax walba oo taageera ah oo aad nasiisaan.


Picture2