Saturday 28 February 2015

Daryeelka Caafimaadka ee Dadka Raaso Gaar ahaan Haweenka iyo Caruurta


Dadka ku nool magaalada Raaso waxaa lagu qiyaasey 80.000 oo qof, dadka tiradoodu intaa la eg tahay ayaa waxaa xarun caafimaad u ah ' Health Centre' ma aha 'Full Hospital' ee waa kaliya rug kumagacaaban caafimaad. Malaha dakhtar iyo kalkaaliyaal tababa baran sida umulisooyinka.

Haween ka mid ah shacabka magaalada ayaa waxaa dhacdey inta ilmuhu uu la soo baxay gacan, in lawaayey in la helo qof tababaran oo ka umuliya. Iyadoo inta badan arintaasi marka ay dhacdo hooyada laqalo oo la kala badbaadiyo ilmaha iyo hooyahada. Taa iska daayoo, ilmihiina kolba xubin ayaa lasoo gooyey, hooyadiina si dhakhtar xaalkeeda loo tuso waxaa la waayey gaadiid lagu qaado in kasta markii danbe la kaxeeyey.

Waa wax lala yaabo iyadoo Ethiopia ay meela badan oo ka mid ah wadanka ka cidh tirtey xanuuno badan haddana qaybo ka mid ah wadanka sida Raaso wali dadku ku nool yihiin xaalad lagu tilmaami karo 'stone age'.

Magaalooyinka tirade dadka ku nool Raaso la mid ahi ay ku nool yihiin waxaa ku saleysan dhakhaatiir, kalkaaliyaal caafimaad. Sidoo kale waxay leeyihiin Hospital leh qalabkii loogu tala galey. Nasiib daro taasi wali uma hirgalin,Raaso mana cada iney suura gal tahay mustaqbalka dhow ha yeeshee waxaa iyadu cad in ayna jirin arintaasi.

Waxaa dhawaan loo diray gabdho u dhashey magaalada in lagu soo tababa baro Godey, laakiin  Caafimaadka daryeelka bulsha ee Raaso waa mid u baahan in wax laga qabto . Caafimaadka, waxbarashada iyo Biyuhu waa aas aaska nolosha, haddana fulintoodu waa waxa uGu qaalisan. In kastoo haddii gacmaha la is qabsado wax badan la qaban karo.

Intuba waxay u baahan yihiin, dad tababaran oo ay qaali tahay in la daboolo mushaharkooda, qalab qaali ah iyo dayac tirka intaa oo qaali ah. Waxayaabahaas oo dhan waxaa shaqo kuleh dowlada. Xaqiiqdu dowlada lasheegaa waa  wax ka qabashada arimahaas. Magaalagu xaqbey u leedahay. waayo kuma baaqato cashuuraadka dawladu ka qaado magaalooyinka la mid ka ee hayta dhamaan wax yaabaha aan ka hadaley.

Waxaa muhiim ah in Raaaso ay hesho public service kan mustaqbalka dhaw. Waxaanan rajeyneynaa iney noqdaan kuwa hirgala sida uGu dhaqsada badan. In kasta uu walaac badani ka jiro jiitanka ay jiitamayaan service kaasi.

Friday 6 February 2015

Warbixin kusaabsan Iskaashatooyinka


 
Mid ka mid ah iskaashatooyinka ay RWC aasaastey ayaa waxaa sida warbixintu nagu soo gaadheyso noqotey mid iyadu durba ka dhex muuqatey kuwakale.
iyada ooy maamulka degmadu eegayaa wax qabadka iskaa shatooyinka ayaa waxay iskaashatadani durba kasbatey ineysoo jidato maamulka degmada iney si gaar ah u soo booqto xarunta iskaashata si ay u dhiiri galiyaan dumarkaa.

Waxaa iyaduna soo gaadhey degmada faxiis ka madax banaan maamulka deegaanka Soomaalida. Xafiiskan ayaa isgagu ah mid si toosa u hoostaga federalka. Xafiiskan ayaa shaqadiisu tahay inuu sameeyo nidaam dadka noloshooda kor loogu qaado, sida iskaashatooyinka, dhismayaal iyo waxqabad farabadan oo ku wajihan beeraha iyo xoolaha.

Xafiiskaa ayaa markuu la kulmey iskaatooyinka dumarka ayaa wuxuu aad usoodhaweeyey sida habsamida leh ee ay iskaashatooyinkani u sameysan yihiin. Sidoo kale wuxuu aad u soo dhaweeyey in ay shaqadoodu tahay mid ay gacanta kula jiraan. Taas oo u fududayneysa in aan looga baahneyn shaqo sida loo habeyn lahaa iskaashatooyinkaa ee kaliya looga baahan yahay in xafiisku qiimeeyo wax qabadkooda siiyana lacagaha uu xafiisku u qoondeeyey haweenka.
Arintaa ayaa iyadu mooraalka dumarka kor u qaadey, sidoo kale kor uqaadey mooraalka dadka guud ahaan.