Monday 22 December 2014

Maamulka Degmada Raaso oo soo dhaweeyey RWC, isla markaana ka hadlaya waxtarka iskaashatooyinka iyo wax qabadka Raaso Women.

Friday 5 December 2014

Warbixin ku saabsan RWC iyo dhaqdhaqaaqeeda

RWC waa hayad madax banaan hayeesshee wali la rafaneysa sidey sharciyadeeda u dhmeyn lahay. iyo qaabka ay ila dhaqaale u abuuri lahay, kuwaas oo ay ka haysato dhibaatooyin badan. Kadib markey maamulka hayadu ka codsadeen iney caawimaad ka helaan dadka ka soo jeeda beesha Raaso inta ay hayadu ka helayso iladhaqaale oo iyagu daboola baahida magaalad, wax ilaa waqtigan aan joogno codsigaa ka jawaabey majirto.

RWC waxay arintaa ku garab wadeen in ay qoraalo u gudbiyaan xafiisyada bixiya lacagaha samafalka ah, kuwaas oo intooda badan ka indha qarsadey qoraaladaa ayaa waxay ku jawaabeen in ay haboon tahay in lala kaashado xafiis yadooda kala duwan ee iyagu kuyaala  xarumaha waaweyn ee uGu dhow meelaha dhaqaalaha loo doonayo. Xarumahaasina waxay noqdeen sida kuwa kuyaala Jigjiga taasna waxay hayadu kala kulantey dhibaato badan waayo dadka maamula hayadahaas waxay iyguna ku andacoodeen in hadduuna xaafiiskoodu ayna ku jirin meelaha ay ka shaqeeyaan iney adag tahay iney siiyaan dhaqaale daboola baahida hayadu ay soo gudbisey.

RWC wali kama samrin iney albaabo badan garaacaan laakiin haddii ayna helin in dadka ka soojeeda deegaanka Raasa ay muujiyaan dadaal ay kaga qaybqaadanayaan horumarka magaalada iyo daboolida baahida dadkooda. waxaad moodaa in ay adkaaneyso in ay RWC sii wado dadaalkeeda.

Daawo sawirada haweenka iyagu doonaya iney waxqabsadaan hadey helaan taageero mida walaaladood iyo mid hayadeedba. Micno kalena ha u fahmina inaan doorka wayn siiney haweenka waayo haddii dhaqaale badan lagaliyo haweenka waxaa dhab ah in nolosha qoysku isbedelayso gaar ahaan  tan caruurta.