Monday 6 October 2014

Doorka Haweenku kaga jiraan dhisitaanka degmada Raaso

Raaso oo maamulka deegaanku ka jiro mudo dhan saddexsano ayaa haddana waxaa kajira hididiilo horumarineed oo xoogleh. Kaas oo ku saleeysan baayacmushtarka oo isagu ah mid bulshadu siisey ahmiyad gaar ah. Dhaqdhaqaaqan dhaqaale ayaa waxaa muu qata in cududa ugu sareysa ay tahay haweenka.

Wax yaabaha arintaa u fududeeyena waxay tahay in aad moodo in haweenka ku dhaqn deegaankan ay ka nasiib badan yihiin, haweenka ku dhan deegaamo kale. Waayo waxaad moodaa iney jirto, in xaqdhowr gaara ay leeyihiin haweenkan, taasooy siiyeen bulshadoodu, macada waxa arintaa sahley laakiin waxay u muuqataa in bulshadan oo iyadu aqoontoodu diintu ay sareyso ay ka qaybqaadaneyso.

wax yaabaha ay RWC la yaabtey waxaa ka mid ah inta ay la macaamil tameysay iskaashatooyinkan in ay na la kulmin wax rag ah oo iyagu  fara galinaya, hayadan iyo dumarka kulankooda. Markii go'aanka ay gaadheen RWC iyo Dumarkana, waxaa dhinac walba oo kakooban bulshada ka soo yeedhey mahadnoq taas ooy badan koodu lahaayeen raga ku dhaqan degmada culumo, shaqsiyaad iyo maamulka dowladuba.

Mar ay u waramayeen masuuliyiin ka tirsan maamuulka degmada waxa ay aad uGu nuux nuuxsadeen in Bulshada ku dhaqan degmadu ay yihiin kuwo  soo dhaweynaya wax walba oo ay degmadu horumar ku gaadheyso.

Haddaba marka aan u noqono doorka haweenka Raaso kaga jiraan horumarka degmadu waa mid cad mar haddey yihiin cudud u jajaban kobcinta dhaqaalaha ee degmada. Sideynu ognahay waxaa aduunka isdhaafiyey dhaqaale, taasna waxaan cadeyneynaa in haweenka kudhaqan raaso, haddey sii wadaan dardarka shaqo ee baayac mushtarka ay noqondoonaan lafdhabarka dhaqaale ee deegaanka raaso.

No comments:

Post a Comment