Wednesday 22 October 2014

Fariin ku saabsan waxbarashada

Mohamed Omar oo isagu ah aqoon yahay ka tirsan beesha Raaso, kana mid macalimiinta ka shaqeysa deegaanka islamarkaana qabtey howlo badan oo ku saabsan waxbarashada, ayaa maruu ka bixinayey fikirkiisa group ka 'WHR' ku nuuxnuxsadey in ay haboon tahay in xooga lasaaro waxbarasha iyo waxka qabadkeeda. Hadalkiisiina wuxuu ku bilaabey sidan.

'Wll waan idinsalamayaa dhamaan gurubka garhaan aamina maxamad dahir sh dayib salaan kadi waxan ubaahanahay in aan dhaman teen xooga saro waxbarshada sababta oo ah, isagoo sii wata hadalkiisa ayaa wuxuu yidhi. 'Waxan manta arkay madax xafiiska waxabarshada wuxu aad uga dayriyaay waxbarshada, gaar ahaan macalimiin laanta'.

Wuxuu intaa kudaray isagoo macalimiinta jooga magaalada, 'kuwii loo diray [waa macalimiinta e] oo mudo laba bilood wax musaharah qaadan'. Sidookale Mohamed wuxuu ka hadley isagoo soo xiganaya haddaladii madax xafiiska waxbarashada ee Raaso in iyaduna uu dhib ka jiro bulshada oo aan wali u baraarugsaneyn arinta waxbarasha wxuuna yidhi'.  'Waxaa iyaduna dhibkale ah dad kii oon ilaa hada fahmin waxbarashada taas oo ah furaha horu maraka'

Mohamed wuxuu haddakiisa ku soo afjarey siday muhiim u tahay in wax ladhiso lagana fogaado wax duminta.

Saturday 18 October 2014

Iskaatashooyinkii Dumarka

Sidaad horeba ula socoteen waxay hayadan RWC ka abuurtey degmada Raaso saddex iskaashato oo iyagu kala ah iskaashatada khayraaska dabiiciga, khudrada iyo tan raashinka tafaariiqda.

Saddexdan iskaashato waxay si toosa u bilaabeen shaqadooda iyagoo la kaashanaya xafiiska iskaashatooyinka ee degmada, kaas oo ka caawinaya sharciyada una sharxaya xeer hoosaadyada iyo nidaamka laga rajeynayo in ay isku maamulaan iskashatooyinkaasi; islamarkaana ufududeynaya dhaqdhaqaaqooda baayacmushtar ee deegaanka iyo kuwa la dariska ahba.

Sida RWC ay ku wado qorshaha dhow iyo midka fogba waxay ahmiyadeedu tahay kor uqaadida iyo kobcinta dhaqaalaha haweenkaa, taas oo ah mida kaliya ee fiqriga iyo gaajada lagalaga bixi karo isla markaana kor uqaadaya nolosha bulshada guud ahaan gaar ahaan tan caruurta.

Inkasta oo tirade dhabta ah ee caruuta kunool magaalada aan la haynin wakhtigan aan joogno, laakiin tirada caruurta ku nool magaaladu aad buu usareeyaa iyagoo in badani ay yihiin agoon kadib markey aabayaashood ku dhibteen is afgaranwaa dhexmarey beeshan iyo beelaha ladariska ah ba. Waxaa iyaduguna jira caruuro aabayaashood ka tageen magaalada kadib markey ku adkaatey iney shaqo ka helaan.

Taasina waxay badisay tirade haweenka ee iyagu masuul ka ah qoysaska.

Sawirkan waxaa laqaadey mid kamid ah kulamadii haweenka ay la yeelatey RWC.

Wednesday 15 October 2014

Raaso Hospital iyo dhaqdhaqaaqa caafimaad

Waxaan la kulaney iyadoo magaalada ay ka socdaan ololo talaal, talaaladan oo fulintooda adkaadeen kadib markey hor istaageen macalimiinta dugsi quraanka, waayo waxaay aheyd waqti school laadku xidhanyihiin la isuna diyaarinayey sanad dugsiyeedka cusub.

Markaa waxaa khasab ahayd in ilmaha la helo bartilmaameed lagu talaalo, sida guriga ama dugsiquraanka,  si arintaa wax looga qabto ayaa khabiiro ka tirsan hayada sama falka ee caruurta aduunka Unicef ayaa waxay soo jeediyeen in ololahan laga bilaabo masjidul-aclaaga, arintan ayay u arkeen in ay wax ka qaban aqoondarada macalimiinta faaiidad talaalka.

Waxay u qabteen tababaro ay ku baraarujinayaan faaiidad talaaladan, kadibna waxay bilaabeen talaalkii markey culumaa udiinkani sharxeen faaiidada talaalka.
halkaniwaa dhaqtarka Raaso.

Wednesday 8 October 2014

Akhriso sida RWC u aragto degmada Raaso


Raaso is a district that newly nominated by the Somali Region of Ethiopia as a district. It located the border between Oromia and Somalia Regions of Ethiopia. It is highly populated area in terms of human /livestock.

This clearly indicates that people live depend on livestock. Although the droughts is one of the common problems in the area but the business is booming, there are demands from its population and surrounded communities. 

Raaso is a potentially business city, it connected in to different places, however, there are things needed to be improved.

 

  1. it needs comprehensive social facilities
  2. housing development
  3. business strategy
  4. good relationship with government
  5. good relation with neighbouring communities
  6. trust and unity among its communities

 This information based on observation made by RWC, and the best recommendation is to hold research in the nearest future.

 

 

 

 

Tuesday 7 October 2014

Daawo xaalada caruurta raaso ee RWC idnkala hadleyso inaad qalbiyadiina u furtaan sidaad u caawil lahaydeed

Raaso waxay nasiib u yeelatey in ay haystaan qaabdhismeedkii iyo hanaankii waxbarsho, sida schoolaadkii, manaahijtii, masuuliyiinta waxbarashadu waxay awood badan galiyeen in ay oryanteeshan badan u sameeyaan waxbarasha iyo faa'iidada ay leedahay hayeeshee markey isu keeneen number sare oo caruur ah waxaa wali ka kala dhiman sidey uGu helilahaayeen macalimiin ku filan kuwaas oo daboola baahida macalinimo ee deegaanka Raasa.

Deegaankan caruurta ku nool numberkoodu aad buu u sareeyaa, bal hadda mar iyo lababa waxaam halkan idinka codsaneynaa, dadka ka soojeeda deegaan kan inaad qalbigiina baadhaan ood caawimaad u fidisaan ubadkiinan ahna bari ubaxa aad ku faani doontaan.

Bal nala daawaada xaalada dadka ladoonayo inaad ka saartaan nolosha 'stone ageka' kuna soo dartaan dunidan aad ku raxeysaneysaan.

We hope they will get a place in your hearts.

Monday 6 October 2014

Doorka Haweenku kaga jiraan dhisitaanka degmada Raaso

Raaso oo maamulka deegaanku ka jiro mudo dhan saddexsano ayaa haddana waxaa kajira hididiilo horumarineed oo xoogleh. Kaas oo ku saleeysan baayacmushtarka oo isagu ah mid bulshadu siisey ahmiyad gaar ah. Dhaqdhaqaaqan dhaqaale ayaa waxaa muu qata in cududa ugu sareysa ay tahay haweenka.

Wax yaabaha arintaa u fududeeyena waxay tahay in aad moodo in haweenka ku dhaqn deegaankan ay ka nasiib badan yihiin, haweenka ku dhan deegaamo kale. Waayo waxaad moodaa iney jirto, in xaqdhowr gaara ay leeyihiin haweenkan, taasooy siiyeen bulshadoodu, macada waxa arintaa sahley laakiin waxay u muuqataa in bulshadan oo iyadu aqoontoodu diintu ay sareyso ay ka qaybqaadaneyso.

wax yaabaha ay RWC la yaabtey waxaa ka mid ah inta ay la macaamil tameysay iskaashatooyinkan in ay na la kulmin wax rag ah oo iyagu  fara galinaya, hayadan iyo dumarka kulankooda. Markii go'aanka ay gaadheen RWC iyo Dumarkana, waxaa dhinac walba oo kakooban bulshada ka soo yeedhey mahadnoq taas ooy badan koodu lahaayeen raga ku dhaqan degmada culumo, shaqsiyaad iyo maamulka dowladuba.

Mar ay u waramayeen masuuliyiin ka tirsan maamuulka degmada waxa ay aad uGu nuux nuuxsadeen in Bulshada ku dhaqan degmadu ay yihiin kuwo  soo dhaweynaya wax walba oo ay degmadu horumar ku gaadheyso.

Haddaba marka aan u noqono doorka haweenka Raaso kaga jiraan horumarka degmadu waa mid cad mar haddey yihiin cudud u jajaban kobcinta dhaqaalaha ee degmada. Sideynu ognahay waxaa aduunka isdhaafiyey dhaqaale, taasna waxaan cadeyneynaa in haweenka kudhaqan raaso, haddey sii wadaan dardarka shaqo ee baayac mushtarka ay noqondoonaan lafdhabarka dhaqaale ee deegaanka raaso.

Friday 3 October 2014

The need is very high as we could not work all of it we select to concentrate on income generating project, water and education especially girls and women, however due to highly needed of teachers in the area we trying to find a way to help to boost the moral of the teachers in order for them to remain in the district, the city is remote, there is no proper social services.

The housing are so scarcity, the price of the food is very high as it took business people long time to bring items needed in the area, due to lack of transport, lack of access road and lack of any other facilities which could make the live easer.

RWC has tried to encourage the diaspora to contribute a little incentive which is believe it could help the teachers to remain in the area, we had little progressive so far but continue to knock every door until we get what we seeking.
  Here is the photo of the children, most of them are orphanage who lost their fathers due to communities conflicts and poverty where father left behind their families as there no enough jobs and resources.