Wednesday 22 October 2014

Fariin ku saabsan waxbarashada

Mohamed Omar oo isagu ah aqoon yahay ka tirsan beesha Raaso, kana mid macalimiinta ka shaqeysa deegaanka islamarkaana qabtey howlo badan oo ku saabsan waxbarashada, ayaa maruu ka bixinayey fikirkiisa group ka 'WHR' ku nuuxnuxsadey in ay haboon tahay in xooga lasaaro waxbarasha iyo waxka qabadkeeda. Hadalkiisiina wuxuu ku bilaabey sidan.

'Wll waan idinsalamayaa dhamaan gurubka garhaan aamina maxamad dahir sh dayib salaan kadi waxan ubaahanahay in aan dhaman teen xooga saro waxbarshada sababta oo ah, isagoo sii wata hadalkiisa ayaa wuxuu yidhi. 'Waxan manta arkay madax xafiiska waxabarshada wuxu aad uga dayriyaay waxbarshada, gaar ahaan macalimiin laanta'.

Wuxuu intaa kudaray isagoo macalimiinta jooga magaalada, 'kuwii loo diray [waa macalimiinta e] oo mudo laba bilood wax musaharah qaadan'. Sidookale Mohamed wuxuu ka hadley isagoo soo xiganaya haddaladii madax xafiiska waxbarashada ee Raaso in iyaduna uu dhib ka jiro bulshada oo aan wali u baraarugsaneyn arinta waxbarasha wxuuna yidhi'.  'Waxaa iyaduna dhibkale ah dad kii oon ilaa hada fahmin waxbarashada taas oo ah furaha horu maraka'

Mohamed wuxuu haddakiisa ku soo afjarey siday muhiim u tahay in wax ladhiso lagana fogaado wax duminta.

No comments:

Post a Comment