Saturday 19 March 2016

Warbixinta Mashuurii micro- Finance ee laga hirgaliyey Raaso September 2014

Sidaad horey aan halkan RWC idiinkusoo gudbisey warbixinta hirgalinta mashruucan shaqa abuurista loogu sameeyey haweenka ku dhaqan degmada Raaso. Qoysaska ay haweenkaasi formuudka u yihiin ayaa tiradoodu waxay tahay 63 qoys. Haweenkan oo ka kala tirsan sadex iskaashato  ayaa laba ka mid ah waxaa abuurey hayadan RWC.

Mid ka mid ah labadaa ay hayadu abuuristooda masuulka ka tahay ayaa waxay ku talaabsatey horumar aad u sareeya. Iskaashatadani waxay ku bilowdey saami dhan kana kooban sidan. Waxay hayadu amaah u siisey 45,000 birr iskaashata khudrada ee (Arahma). Sidoo kale xubnaha iskaashataduna waxay ku dareen lacag dhan 38,000birr, isugeyn waxay lacagtaasi noqotey 83,000birr.

Haddaba warbixin sanadeedka iskashatadu  waxay sheegeen in lacagtoodu gaadhey 350,000 birr. Taa oo ay sababtey is afgarad weyn oo ka dhashey haweenka ka tirsan iskaashatadaa. Sida muuqata marka haweenku gaadheen horumar ku dhow malyan badhkii mudo sanad ah hadda waxaa cad in hadey sida ay yihiin ku sii wadaan ay gaadhayaan intaa iyo in ka badan.

Hayeeshee iskaashatadii labaad ee iyaduna  hayadu abuurtey taas oo ka ganacsaneysey raashinka ee Alxamdi. ayaa waxaa ka dhex dhashey is afgaranwaa xubnaha dhexdooda ah. Labada iskaashato iyagaa doortey xubnahooda, kaliya waxay hayadu ku guubaabisey iney ka koobnaadaan dhamaan bulshada ku nool degmada Raaso.
 
Nasiib daro iskaashatadan ma ayna noqon mid kafaa iidaysata waqtiga lasiyey. In ta badna wuxuu waqtigu kaga dhacay iney waxba isku af garan wayaan. uGu danbeyntii waxay goaan ku gaadheen iney qaybsadaan saanii ay siisey hayadu. Sida iskaashatada Al Rahme ma ayna ku darsan saamiga lasiiyey saami xagoda ah. Taasina waxay muujineysaa kalsoonidarada dhexdooda ah.
 
Ugu danbeyntii markey xalin waayeen is afgaradkooda waxay go'aan ku gaadheen iney qaybsadeen saamigii hayadu siisey iyo wax yar oo faaiida oo uGu koradhey. Kaas oo ah 45,000 oo saamigii hayadu siisay ah iyo 20.000birr oo uGu koradhey, taas oo isku noqotey lacag dhan 65,000birr. Taas ooy u qaybsadeen sidan 32.500birr kooxdiiba. Durba mid ka mid ah labadaa qaybood ayaa waxay warbixintooda ku soo gudbiyeen in ay ku kordhiyeen lacagtaa 19,000birr. markaa durba waxay gaadheeb 41,500birr. Waxay hayadu siisay fursad labaad iyadoo uGu kordhisay sanad kale, ka hor inta aaney la xisaabtamin. Inkastoo hayadu ka walaac santahay, haddana waxay aaminsan tahay in ay ka faaiideysan doonaan fursadan labaad.
 
Iskaashata sadexaad waxay la kulmeen waqti ay u waayeen suuq xargaha kaa oo ay u ruuriyeen namber badan. Marka ilaa ay suuq u helaan hargahaa lama qaran karo waxa ay khasaareen iyo waxa ay faaiideen. hayaduna waxay kashaqeyneysaa sidey uga caawinlahad in hargahaa iib loo helo.
 
 
 
 

No comments:

Post a Comment